Soomaali Somali

Jump to each language

Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo dhibaato sharci?

Legal Aid Queensland waxay kaa caawin kartaa dhibaatooyin badan oo xagga sharciga ah, oo ay ku jiraan haddii lagugu soo oogo fal-dembiyeed, qorshaynta waalidnimada haddii aad kala tagaysaan, rabshadaha guriga iyo qoyska, ilaalinta carruurta, takoorka iyo deynta.

Saacadaha: 8:30 subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo Isniinta ilaa Jimcaha

Adeegyadeena sharci ee lacag la’aanta ah waxaa ka mid ah:

  • adeeg ah macluumaad ku saabsan sharciyada oo qarsoodi ah
  • fadhi talobixin ah oo aad ka helayso qareenno aqoon u leh
  • daabacaado lacag la’aan ah oo ku saabsan dhibaatooyinka sharciga.

Caawimo sharci oo joogto ah iyo metalaad laguugu metalayo maxkamada ayaa sidoo kale laga yaabaa in la heli karo haddii aad u qalanto.

Waad ka heli kartaa adeegeena sharci ee lacag la’aanta ah adiga oo wacaya 1300 65 11 88.

Interpreter icon

Ku hel caawimo luqadaada

Haddii aad u baahan tahay qof ku hadla luqadaada, wac Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada 13 14 50 oo codso turjubaan. Waydiiso iyaga inay kuu wacaan Gargaarka Sharciga Queensland (Legal Aid Queensland) oo lambarkoodu yahay 1800 998 980. Kani waa adeeg lacag la’aan ah oo wax kastana ay qarsoodi kuu yihiin.

Caawinta loogu talagalay dadka maqalka ama hadalku ku adag yihiin

Haddii aad dhagool tahay ama aad leedahay dhibaatooyin dhanka maqalka ama hadalka ah, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa Adeegga Gudbinta Qaranka (National Relay Service). Si aad u wacdid, booqo website-ka Adeegga Gudbinta Qaranka (National Relay Service website) oo weydii 1800 998 980. Kani waa adeeg lacag la’aan ah oo wax kastana ay qarsoodi kuu yihiin.

Last updated 14 July 2023